Qabqableyaal Caan Ah Oo Ku Taliyey In Madaxweyne Xasan Sheekh Xilka Madaxweyne Loo Cusbooneysiiyo 4 Sano Kale (Video)

Qabqableyaal caan ka ah magaalada Muqdisho ayaa ku taliyey in markale xilka madaxweynimo loo cusbooneysiiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Qabqableyaasha kala ah: Axmed Diiriye, Maxamed Xasan Xaad, Muxudiin Xasan Afrax iyo kuwoo kale oo soo kireystay waraabinta la iska arko ayaa ku baaqay in 4 sano kale la siiyo madaxweynaha xilkiisa dhamaaday ee Soomaaliya si uu u dhameystiro howlaha qabyada ka ah.

Odeyaashan ayaa inta badan ku dhex nool Villa Soomaaliya oo masaalix badan ay ku haystaan, waxayna caan ku yihiin hurinta colaadaha iyo dhulbalaarsiga beeshooda ay ka dooneyso gobolada qaar.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran