Warbixin: Ka Hor Kulankooda Adag Ee Caawa, Sidee Ayeey Noqon Karaa Shaxaha Liverpool Iyo Chelsea ?

Liverpool ma heysato dookh aan aheyn iney garaaco Chelsea marka ay isku qaabilaan Anfield caawa, hadii aysan sameyn midaas, waxay si cad u macsalaameynayaan hamigoodii horyaalka.

Kooxda macalin Jurgen Klopp ayaa ku dhameystay sanadii 2016 iyagoo ah kooxda ugu dhaw ee tartan la gali karta kooxda dhigiisa Antonio Conte laakin qaab ciyaareed kala daadasho ah oo ay soo bandhigeen bishaan dhamaaneysa ee January ayaa keenay in Reds ay guuleystaan kaliya hal kulan SIDEED kulan oo ay ciyaareen dhamaan xili ciyaareedkaan.

Guuldaro soo gaarta kooxda Merseysiders waxay soo afjareyso hamigooda horyaalka, guul ay ka gaaraan Chelsea na waxay hagar daamin karaan hamiga kooxda ka ciyaarta Stamford Bridge.

Hadaba Sidee Ayeey Noqon Karaan Shaxaha Labada Koox:

Liverpool:Adam Lallana, oo dhawaan loo doortay xidigii ugu fiicnaa xulka qaranka England ee sanadkii lasoo dhaafay, ayaa dib ugu soo laaban doono shaxda kooxdiisa, Nathaniel Clyne, ayaase wali isku dayaya inuu kasoo kabsado calool xanuun lu dhacay waxaana laga war sugayaa sida uu noqdo ilaa caawa.

Farxada ugu weyn ee Liverpool ayaa ah soo laabshada Sadio Mane oo kasoo haray tartanka qaramada qaarada Africa Cup wuxuuna xidiga xulka Senegal uu isniintiiba diyarad khaas ah ku yimid Melwood wuxuuna saakay baaritaanka ku maray xarunta caafimaadka kooxdiisa si loo ogaado inuu diyaar u noqon karo kulankaan.

Si kasto, Mane ayaa keydka ku soo bilaaban karo kulankaan iyadoo Can, Wijnaldum iyo Henderson ay khadka dhexe ka ciyaarayaan, afka horena waxaana iska kaashan kara Lallana, Coutinho iyo Firmino.

Majiraan wax ganaax ah oo ay qabaan labada koox midkoodna.

Chelsea: Hogaamiyeyaasha horyaalka ayaana u baahan iney adkaadaan kulankaan si ay u xaqiijiyaan iney yihiin kooxda u sharaxan horyaalka.

Majiraan dhaawacyo ay qabaan kooxda Chelsea laakin waxaana kulankaan ciyaari doonin Asmir Begovic iyo Branislav Ivanovic oo la filayo iney baxaan caawa ka hor inta uusan xirmin suuqa kale iibisga ciyaartooyda qaarada yurub.

Diego Costa, Hazard iyo Pedro ayaa afka h–e iska kaashan doona iyadoo Kante iyo Matic ay khadka dhexe dhagaxyo dhigan doonaan waxana ka danbeyn doona shanta daafac ee danbe ay sida caadiga ahba noqon doonaan Moses, Alonso, Luiz, Cahill iyo Azpelceutta.

Shaxda Macquulka ah ee Chelsea ayaa noqon karta:

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran