C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag Oo Iska Casilay Xubunnimadii Gudiga Doorashada Madaxweynaha

Guddoomiye ku-xigeenkii gudiga qabanqaabada doorashada madaxweynaha C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa iska casilay xubinnimadii gudiga kadib eedeyn loo jeediyay.

Guddoomiyaha gudiga qabanqaabada doorashada madaxweynaha Dr C/raxmaan Ducaalle Beyle,ayaa sheegay inuu Fartaag iskii uga tagay howshii uu gudiga u hayay.

Fartaag ayaa sheegay in uu isu casilay si aan looga shakin shaqada guddiga doorashada madaxweynaha, Wuxuuna xusay inuu si shakhsi ah uga qaybgalay xaflad lagu taageerayay madaxweynaha mushraxa ah Xasan shiikh, maadaama musharixiin badan arintaasi ku dhaliileena uu gartay in uu is casilo si aan kalsoonida guddiga tuhun loogelin.

Gollaha musharixiinta madaxweynaha oo kulan maalintii shalay ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay mas’uulkan in uu si toos ah ula saftay una taageeray mid ka mid ah musharixiinta xilka madaxweynaha, sidaa daraadeed waxaa ay codsadeen in laga saaro xubinnimada gudiga oo sida ay hadalka u dhigeen looga baahan yahay in ay dhaxdhaxaad ka noqdaan howlaha doorashada ee socda.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE