Daacish Oo Seddex Qof Ku Oo Ay Gowraceen Soo Dhigay Deegaanka Karin

Kooxda Daacish ayaa maydka seddex askari oo ka tirsan ciidamada Puntland soo dhigtay jidka dheer ee isku xira degmada Qandala iyo Bosaaso ,waxaana sida la sheegay askartan ay ahayeen kuwa la gowracay.

Askartan ayaa ku jiray dad dhawaan kooxda Daacish ay ka afduubatay Qandala xilli ay ku soo jeedeen magaalada Bosaaso , waxaana adag in xog dhamaystiran laga helo sababaha keenay in askarta la bireeyo.

Dad ku sugan degmada Karin ayaa sheegay in aan la aqoonsan karin wajiyada askartan la gowracay , waxaana sida la sheegay goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Puntland.

Seddexdan qof ee la gowracay ayaa ku jira dad dhawaan ay kooxda Daacish ka afduubatay meel aan wax badan ka fogayn degmada Qandala.

Kooxda Daacish ayaa wali gacanta ku haysa qaar kamid ah dadkii ay afduubteen oo ay ku jiraan odayaal caan ka ah deegaanka Qandala.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE