Dhageyso Kooxda Alshabaab Ayaa Baahisay Mid Ka Mid Ah Ragii Fuliyey Weerarkii Ismiidaaminta Ee Lagu Qaaday Xerada Kulbiyow

Kooxda Al-Shabaab ayaa soo bandhigay magaca iyo qabiilka mid ka mid ah raggii fuliyay weerarkii is qarxinta ahaa ee jimcihii la soo dhaafay ka dhacay xero ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaanka Kulbiyow ee Gobolka Jubadda Hoose.

Idaacada Andalus ee ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa sheegay qofkii fuliyay weerarkii is qarxinta ahaa lagu magacaabo Feysal Yuusuf Aadan, oo lagu naaneyso Awliyo ama Cabdul-Illaah.

Cod laga sii daayay Idaacada Andalus ayaa ninkan waxaa uu kaga hadlay taariikhdiisa, xabsi muddo sanado ah uu soo maray iyo inuu kala bar cimrigiisa ku qaatay dagaalo.

Waxaa uu saaxib dhow la ahaa Sheekh Maxamed Dulyadeyn oo ka mid ahaa Saraakiisha sar sare Al-Shabaab oo sanadkii la soo dhaafay lagu dilay weerar ka dhacay duleedka Kismaayo.

Feysal ayaa u dhashay Beesha Mareexaan, isagoo ka soo jeeda degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, waxaa la sheegay in 5-sano ka hor uu ku soo biiray guutada is qarxinta ee Istish-haadiyiinta.

Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay soo bandhigeysay magaca iyo heybta shaqsiyaadka fuliya weerarada is qarxinta ee ka dhaca Koofurta Soomaaliya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE