Howlgallo Culus Oo Ka Socda Deegaanada Xeebta Ee Duleedka Degmada Marka

Howlgallo culus ayaa waxay ka socdaan qaar ka mid ah deegaanada xeebta ku teedsan ee duleedka ka xiga magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelada hoose.

Deegaanadan ay ka socdaan howlgallada ayaa waxa gacanta ku haaya Maleeshiyada laba wajiilayaasha ah ee ka tirsan kooxda Alshabaab iyo isbaheysigooda Mooryaanta Habargirdr halkaas oo dadka ku dhaqan ay ku hayaan dhibaato iyo barakicin joogta ah.

Saraakiisha Ciidamada deegaanka ee hor kaceysa howlgalkan ayaa habeenkii labaad weerar gaar ah ku qaaday saldhigyo ku kala yaala deegaanada Ceelaxmed iyo Melad, halkaas oo ay ku dhuumaaleysanayeen horjoogayaal Alshabaa  ah.

Sidoo kale xarumaha ay beegsadeen Ciidamada deegaanka ayaa waxa lagu tuhunsanaa inay ku sugnaayeen Calooshooda u shaqeystayaal u adeega Isbaheysiga dhibaatada ku wadaa deegaanka kuwaas oo loo adeegsado bahdilaada iyo ihaanada Shacabkooda dulman.

Ciidamada deegaanka oo labadii habeen ee lasoo dhaafay howlgalladii ay sameeyeen si guul leh kusoo dhameystay ayaa ku goodiyey in ay fulin doonaan howlgallo hor leh, waxaana ay hada diyaarinayaan qorshe culus oo ay ku beegsanayaan xarumo muhiim ah oo ay ku dhuumaaleystaan horjoogayaasha Alshabaab ee dhibaatada ka wada deeganaada Beesha Biimaal ee Gobolka Shabeelada hoose.

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE