Madaxda Madasha Lower Shabelle Oo Kulamo Looga Hadlaayey Dhibaatada Shabeelada Hoose La Qaatay Wasaarada Arimaha Dibada UK (Sawiro)

Iyadoo xaalado kala guur ah iyo mowjado siyaasadeed ay ka jiraan Soomaaliya ayaa waxa socda kulamo iyo wada tashiyo looga arinsanaayo sidii looga gudbi lahaa arimaha xasaasiga ah ee jira.

Kulamada qaarkood ayaa ka dhacaya dalka Dibadiisa, waxaana Siyaasiyiinta iyo aqoonyahaanada qaar ay baadi goob ugu jiraan xal u helidda mashaakilaadka jira, iyadoo dhinaca kale dowladaha daneya arimaha Soomaaliya ay indhaha ku hayaan dhibta ka taagan guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan arimaha Gobolka Shabeelada hoose.

Magaalada Landan ee dalka Uk waxa ka dhacay shir looga hadlaaayey xaaladda Soomaaliya gaar ahaan arimaha Gobolka Shabeelada hoose, shirarkaas ayaa waxa ka dhex muuqday Siyaasiyiin dhexda u xirtay sidii ay Shacabkooda ay ula qeyb sanlahaayeen dhibaatada lagu haayo.

Madaxda Madasha Lower Shabelle, ayaa maanta waxa ay kullan la qaateen, Wasaarada Arimaha Dibada UK, kullanka ayaa waxa Diirada lagu saaray, xaalada guud ee Soomaaliya, iyadoo si qota dheer loo falanqeeyay xaalada Koonfur galbeed, iyo Itijaaha Siyaasadeed ee Gobolka Shabeelaha hoose, madaxdii ka socotay madasha lower Shabelle forum ee sida qotada dheer uga hadleen waxaa ka mid ahaa :- Dr,Cali Cabdi Baab Inj.Ibraahim Cabdullaahi Cadoow Dr’s,Maana Cali Sheekeeysanay iyo prof,Saamiya Sheekh-Nuur.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE