Mid Ka Mid Ah Xildhibaanada Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Fedaraalka Oo Isku Day Dil Ka Badbaaday

Wararka ka imaanay magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta isku day dil uu ka badbaaday Xubin ka mid ah Xildhibaanada aqalka sare ee Baarlamaanka fedaraalka.

Senator Prof Cusmaan Xaaji Maxamuud Dufle oo ka mid ah xildhibaanada aqalka sare ayaa lasoo dheegayaa in gaarigiisa ay ku qaraxyaday Miino lagu soo xirey xilli gaariga uu kusii socday xaruntiisa Caafimaad ee ku taalla Xaafadda Taleex degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Gaariga qaraxa lagu soo xirey ay ku dhaawacmeen qaar ka mid ah ilaaladiisa, hase haatee isaga aan wax waxyeela ah soo gaarin.

Magaalada Muqdisho ayaa waxa ka dhaca qaraxyo iyo weeraro kala duwan, waxaana xilliyada qaar dhaca qaraxyo lagu soo xiro shakhsiyaad isugu jira siyaasiyiin iyo dad kaloo shacab ah oo lagu waxyeelo gaadiidka ay wataan.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE