War Cusub Oo Kasoo Kordhay Weerarkii Alshabaab Ay Ku Qaaday Xerada Ciidamada Kenya Ee Kulbiyow

Dowlada Kenya ayaa war cusub kasoo saartay weerarkii maalinitii Jimcihii ka dhacay deegaanka Kulbiyow oo xero Ciidan ay ku lahaayeen Ciidamada Dalka Kenya oo ka mid ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Sarkaal la hadlay wargeys kasoo baxa dalkaasi ayaa sheegay in dadkii fuliyey weerarada ismiidaaminta uu ku hadlaayey luqada Sawaxiiliga, ka dibna ay jireen dagaalyahaano tira ahaan lagu qiyaasay 500 askar ay soo weerareen xerada Ciidanka.

Askarta soo weerartay xerada ayaa war kasoo baxay Dowlada Keny waxa lagu sheegay inay isugu jireen kuwo Carab ah iyo Kenyaan ah oo ku biiray Alshabaab kuwaas oo gumaad ba’an u geystay Askartoodii ku jirtay Xerada Kulbiyow halkaas oo markii dambe lagala wareegay.

Mid ka mid ah askartii weerarka ka badbaaday ayaa dhinac kale sheegay in askarta weerarka xerada kusoo qaaday ay ku jireen kuwo asal ahaan Kenyaan ah oo u muuqday kuwo xog badan ka haayey xerada ay soo weerari doonaan oo ahyed xerada maalintii jimacaha ay dagaalka ku qabsadeen.

Warbaahinta ku hadasha afka alshabaab ayaa baahisay sawiro iyo macluumaad laga soo qaaday Xerada Ciidamada Kulbiyow, waxaana weerarkaas ay ku sheegatay inay ku dishay in ka badan 67 askari, halka dowlada Kenya ay warkaasi beenisay oo ay qiratay in laga dilay  9 askari.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE