Akhriso Jadwalka Musharaxiinta Ee Maanta Khudbadaha Ka Horjeedin Doona Kulanka Baarlamaanka

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta oo Khamiis ah ay dhageystaan khudbadaha musharrixiinta Madaxweynaha Somalia, sida ay sheegeen guddiga qaban qaabada doorashada Madaxweynaha.

Musharaxiinta Is diiwaangalisay oo gaaraya ilaa 24 Musharax ayaa loo kala qeybiyay Seddex qeyb, waxaana Khudbada koowaad jeedin doona 8 Musharax oo ay soo xuleen Guddiga Doorashada.

Guddiga ayaa sheegay in Dhageysiga Khudbada Musharaxiinta ay dhici doonto maalmaha Khamiista, Sabtida iyo maalinta Axada ah.

Musharaxiinta maanta jeedin doona khudabadaha ayaa waxay kala yihiin

1­ Axmed Maxamed Cabdi

2­ Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi

3­ Bashiir Raage Shiiraar

4­ Jibriil Ibraahim Cabdulle

5­ Xasan Sheekh Maxamuud

6­ Saciid Cabdullaahi Deni

7­ Saciid Ciise Maxamuud

8­ Shariif Sheekh Axmed.

Dhinaca kale, ololaha doorashada ayaa si weyn looga dareemayaa magaalada Muqdisho oo siddeeda bishani Febaraayo lugu qabanayo doorashada madaxweynaha,taaso si aad ah loo sugayo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE