Alshabaab Oo Weerar Ku Qaaday Deegaano Hoos Taga Magaalada Mandheera Ee Waqooyiga Bari Kenya

Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in rag ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen deegaan ka tirsan Magaalada Mandera ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Al-shabaab ayaa la sheegay iney weerar ku qaadeen deegaanka Xeebtey Arabiya oo hoos yimaada Magaalada Mandera,Deegaankaasi ayaa waxaa ku yaalla Xarumo ay leeyihiin Booliska dalka Kenya iyo Xarumo Isgaarsiineed.

Sarkaal ka tirsan Booliska dalka Kenya ayaa Saxaafada u sheegay iney waayeen Xiriirka Saraakiishii ku sugneed deegaanka la weeraray Isgaarsiinta ayaa la tilmaamayaa iney hawada ka maqan tahay,Dowladda Kenya ayaa deegaanka la weeraray u dirtay Ciidamo gurmad ah,lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Dalka Kiinaya ayaa tan iyo sanadii 2011-kii markii ay gudaha usoo galeen Soomaaliya waxa qal qal galay amaankeeda, iyadoo weli lagu guuleysan la’yahay in laga hor tago weerarada iyo waxyeelada kaga imaaneysa Alshabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open