Deg Deg Rasaas Culus Oo Caawa Laga Maqlay Deegaanka Muuri Iyo Xaalada Oo Kacsan

Wararka caawa naga soo gaaraya deegaanka Muuri ee duleedka degmada Nambar 50 ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa kusoo waramaya in caawa halkaas laga maqlay rasaas culus oo in mudda ah socotay.

Rasaas oo dhowr jiho looga furey deegaanka ayaa lala dhacay xaafado iyo Ganacsi oo ku yaalla  deegaanka, waxaana ka dib gudaha usoo galay Maleeshiyaad la tuhunsanyahay inay ka tirsanyihiin kooxda Alshabaab oo boqolaal gaaraya.

Jawiga deegaanka ayaa caawa aad u kacsan, waxaana jira isgaariin la’aan, iyadoo aad uu u yaryahay xiriirka lala sameyn karo dadka shacabka ee halkaasi caawa lagu weeraray, inta badan Nambarada ayaa hawada ka maqan halka kuwa qaar ee dhacaya (la waco) aan laga jawaabeynin.

Muuri wax fariisin ah aanay ku laheyn Ciidamada Deegaanka hase ahaatee waxa xilliyada qaar laga sameyn jirey howlgallo gaar ah, iyadoo caawa aanu jirin wax iska hor imaad ah ayaa deegaanka waxa ku sugan Maleeshiyada soo weerartay.

Deegaanka Muuri oo qiyaas ahaan 14 km dhinaca Koonfur kaga beegan Degmada Afgooye ayaa waxay ka mid aheyd deeganadii ka nabad galay Boobka iyo dhaca Mooryaanta Habargidir, hase ahaatee waxaa xilligan saameeyey dagaalada Isbaheysiga Shababaab iyo Habar gidir ay kula jiraan Ciidamada Deegaanka.

Waxaan idin soo gudbin doonnaa hadba sidey xaalada noqoto hadii alla idmo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE