Dhageyso Maxkamada Dabiyada Aduunka Oo Maanta Go’aan Ka Gaareysa Dacwadda Badda Ee U Dhaxeysa Soomaaliya Iyo Kenya

Maxkamada Cadaalada Caalamiga ah ayaa Maanta la filayaa iney go’aan horu dhac ah ka gaarto iney qaado dacwadda Badda ee u dhaxaysa Wadamada Soomaaliya iyo Kenya.

Maanta 5-ta Galabnimo xiliga Geeska Afrika ayaa waxaa la sugayaa go’aanka kasoo baxa Maxkamada Cadaalada Caalamiga ah ee ICJ,Maxkamada ayaana go’aan ka gaari doonta hadii ay qaadayso dacwada Muranka Badda ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa ku doodeysa in Maxkamada  ICJ aysan xaq u lahayn iney qaado Dacwadaasi,Masuuliyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Holland kana qaybgalay Fadhigii Maxkamada ayaa rajo wanaagsan ka muujinaya go’aanka kasoo bixi doona Maxkamada ICJ.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE