Gudiga Doorashooyinka Oo Sheegay In Dib Loo Qaban Doono Doodii Musharaxiinta

Gudiga qaban qaabada doorashada Madaxweynaha ayaa dib usoo celiyey go’aan ay horey u gaareen kaas oo ahaa in la baabi’yey doodii musharxaiinta ee maalmo ka hor baaqatay.

Gudoomiyaha Gudiga doorashada Dr C.raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in maalinta Isniinta ah ee Bisha Febraayo ay ku beegantahay Lex (6) la qaban doono doodii musharxiinta lagu weydiin lahaa su’aalaha.

Doodan ayaa baaqatay maalmo ka hor ka dib markii musharaxiinta Madaxweynaha ay diideen in la duubo iyagoo ka baqayey in la faafreebo, waxayna dalbadeen in si toos ah looga sii daayo teleshinka Qaranka, hase ahaatee guddiga doorashada ayaa sheegay in dooda aan toos looga sii deyn Karin Tv-ga, internet la’aan maalintaas ka jirtay Somalia awgeed.

Xildhibaan Bayle ayaa tilmaamay iney ku rajo weyn yihiin in Internetku uu hagaagi doono isla markaane 6da bishan oo ku beegan Maalinta Isniinta ah la qaban doono Dooda Musharixiinta u tartamaya Doorashada Madaxweynaha dalka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE