Maxaa Ka Dhaxeeya Madaxweyne Xasan Iyo Ururka Al Shabaab, (Daawo Xogtan)

Wax inagu cusub maaha in ay dhegaheenu maqlaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu xiriir la leeyahay maleeshiyada Ururka Al Shabaab, oo curyaamiyay maamulka dowladnimo ee dalka.Ururka Al Shabaab waxaa lagu tilmaamaa awoodda keliya ee maanta sida ficilka lihi uga biyo diidan horu-socodka hannaanka dowladnimo ee Somaliya, wixii ka dambeeyay dagaaladii sokeeye ee dalka ragaadiyay.

Tiiyoo ay meesha taagan tahay, ayaa saraakiil sar sare waxaa ay Dowladda Somaliya ku eedeynayan, in ay caqabad ku tahay la dagaalanka lagula jiro maleeshiyada Al Shabaab, oo aalaba dhiigga bulshada Somaliyeed u daadiya, bilaa qiil.

Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), General C/laahi Gaafow Maxamuud, ayaa qiraaya in Shabaabku jooggan xafiisyada iyo guryaha dowladda, masuuliyiinta dowladana aanay gacan ka gaysan soo qabashadooda.

Taliyaha, ayaa sidoo kale qiraaya in masuuliyiinta dowladdu ka daba cararaan, kolka hay’adaha amnigu ay gacanta ku soo dhigaan xubnaha ka tirsan dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab, sababo ku aadan, iyagoo u haysta in ay ku heyb yihiin.

Allaha u naxariistee Abaan Duulihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka, General C/kariin Yuusuf Aadan (Dhega-badan), ayaa horey u qiray in masuuliyiinta dowladdu ay ka daba cararaan Shabaabka, marka la soo qabto.

General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacade) oo si wayn uga qayb qaatay dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, ayaa xaqiijinaya in si musuq maasuq ah maxkamadaha looga sii daayo Shabaabka.

Dhanka kale ilo wareedyo, ayaa xaqiijinaya in Villa Somalia ay kol hore heshiis hoose la saxiixatay Ururka Al Shabaab, kaasi oo ahaa in aysan Shabaabku beegsan masuuliyiinta Dam Jadiid. Ilo wareedyadan ayaa sheegaya in Dam Jadiid ay Shabaabku siiso lacago canshaaraad ah, si aanay u dhibaateen masuuliyiintooda.

Saxaafadda iyo shacabka reer Muqdisho, ayaa waxay ka dheregsan yihiin afartii sano ee la soo dhaafay inaysan Al Shabaab beegsan xubin ka tirsan kooxda Dam Jadiid, intii ay dad leynayeen. Tanina waa mid dareen iyo shakiba ku dhalisay bulshada.

Dam Jadiid waa garab ka tirsan Urur Diimeedka Al Islaax. Sidoo kalana waa middii Madaxweyne Xasan ka caawisay in uu ku guuleysto doorashadii madaxtinimada dalka ee September 10, 2012 ka qabsoomtay Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan iyo Dam Jadiid, ayaa markale u garbo duuban (February 8, 2017 ), sidii ay talada dalka ugu soo laaban lahaayen.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE