Maxkamada Dabiyada Aduunka Oo Soo Saartay Go’aankii Laga Sugayey Ee Dacwadda Badda

Garsoorayaasha maxkamadda ugu sareysa QM ayaa maanta xukmiyey inay sharci u leedahay inay qaado kiiska muranka dhinaca badda ee u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Ayada oo la jirsatay Soomaaliya, ayaa Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda waxay diiday doodii Kenya ee ahayd in heshiiska u dhaxeeya labada dal uu ka dhigan yahay in muranka u dhaxeeya ay ku xaliyaan meel ka baxsan maxkamadda.

Xukunkan ayaa waxa uu macnihiisu yahay in kiiska soohidna badda ee ay maxkamadda geysay Soomaaliya kana dhanka ah Kenya uu sii socon karo, taasi oo ah hanaan sanado badan.

Qareenada Soomaaliya ayaa hase yeeshee diiday doodaas waxayna xasuusiyeen qareenada Kenya in heshiiskaasi uusan meesha ka saari karin xaquuqda ay Soomaliya u leedahay inay caddaalad ka raadsato maxkamadda.

Waxay sheegeen in hadii la raaco qaabka ay Kenya rabto ay qaadan karto ku dhawaad 20 sano, labada dalna ay dani ugu jirto in si dhakhse leh loo soo afjaro murankan.

Labada dalba waxay sheeganayaan lahaanshaha dhul badeed bedkiisu uu gaarayo 142 kun oo km oo labo jibbaaran, waxayna sidaasi darteed Soomaaliya ka dalbatay maxkamadda inay xadeyso xaduudda badda ee labada dal si waafaqsan xeerarka caalamiga ah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE