Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya Oo Dalbaday In Shaqada Laga Fariisiyo Taliyaha Ciidamada Boliiska Soomaaliya

Musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxay dalbadeen in xilka laga qaado Taliyaha Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed Gen Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.

War qoraal ah oo gacanta loo geliyey Gudiga doorashooyinka ayey Musharxiinta ku eedeeyey Maxamed Sheekh Xasan Sarkaal taageero u ah Musharax Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana Musharxiinta ay sheegeen inuu ka qeyb qaadan karo qal qal gelinta amaanka Musharaxiinta.

Sidoo kale qoraalka loo gudbiyey Gudiga doorashada ee ka dhanka ah Taliyaha Ciidamada Boliiska ayaa lagu sheegay in goob fagaare ah uu ka muujiyey taageerada Xasan Sheekh isagoo sheegay in dhamaan shakhsiyaadka ka mid ah Baarlamaanka ee ka tirsanaa Boliiska inay codka siin doonaan.

Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo ah Taliyaha Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale ah Gudoomiyaha Gudiga Amniga Doorashada, waxaana lagu eedeenayaa in uu dhex dhexaad ka aheyn arimaha doorashada.

Gudiga Doorashada ayaa Musharaxiinta ku wargeliyey in ay shaqadooda aheyn in ay xilka ka qaadaan Taliyaha Ciidamada Boliiska Gena Xaamud.

Shalay waxa xilka iska casilay Gudoomiye ku xigeenkii Gudiga qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Cabdilaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo shir ka dhacay Hotel SYL ka sheegay in codkiisa uu siin doono Musharax Xasan Sheekh.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE