Toos Khudbadaha Musharixiinta Ee Xarunta Golaha Shacabka, Maxaadse Ka Taqaanaa Taariikhdooda

Waxaa goor dhowayd Bilowday  khudbadaha  labada gole ay ka horjeedinaya ilaa sideed (8) murashax, kuwaas oo  baarlamaanka Soomaaliya ka iibiyaan barnaamijkooda siyaasadeed iyo hanka ay doonayaan iney dalka ku maamulaan 4-da sano ee socota,  haddii la doorto.

(1): Axmed Maxamed Cabdi : waxaa uu ku dhashy Muqdisho 1978-dii, Yaraan ayuu ku tagay Imaaraadka waxbarashada hoose, sare ilaa heer Jaamacadeed halkaas ayuu ku qaatey isagoo markii dambe ka qalin jabiyay Jaamacadda Dubai, kana bartey cilmiga sir-doonka.

(2): Zakariye Maxamud Xaaji : Waxaa uu ku dhashay Galkacyo, waxaa uu cilmiga beeraha ka bartey Jaamacadda Riyaad, Master Degree waxaa uu ka qaatay Jaamacad ku taalo London iyo Jaamacadda kale ee ku taallo Mareykanka ee  New York Universirty.

(3): Bashiir Raage Shiiraar Waxaa uu ku dhashay Magaalada Muqdisho sanadkii 1962-dii, waxaa uu wax ka bartey dugsiga hoose/dhexe Wardhiigley halka dugsi sare anadkii 1979-kii ka dhameeyay dugsiga sare ee 15 May, Shaqooyinkii ugu muhiimsanaa waxaa uu sheegayaa iney tahay inuu ahaa ganacsade isagoo lahaa shirkadda Kamel Logistics, waxaa kaloo uu dhisey Airportiga Cisiley oo dhanka waqooyi ka xiga magaalada Muqdisho.

(4): Jibril Ibrahim Cabdulle : Waxaa uu ku dhashay magaalada Muqdishi 1969ki, Dugsi Sare 15 May  ayuu ka baxey, 1990-1995 waxaa uu cilmiga Sociology iyo Public Administration uga qalinjabiyay Carleton Universiy, Otota,  Canada.

(5): Saciid Cabdulahi Deni: waxaa uu ka baxey dugsi sare Xasan Barsane, Jaamacadda heerka koowaad waxaa uu ka qaatey kuliyadda Luqadaha ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed halka Master uu ka qaatey University of Putra ee dalka Malaysia isagoo bartey maamulka iyo maareynta.

(6): Xasan Sheekh Maxamud : waxaa uu ku dhashay magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya sanadki 1955,  waa  Madaxweynihii 8-deedaad ee Soomaaliya, Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Madaxweyne u doortay 10-kii September 2012-kii kadib markii uu helay 190 cod halka uu Murashaxii iyo Madaxweynihii xiligaas ee Sharif helay 79 cod.

(7): Dr. Saciid Ciise Maxamud : waxaa uu ku dhashay Dhuusamareeb 1958, waxbarshadiisa waa dhexe: Dhagaxtuur iyo  Sare: Xasan Barsae oo uu dhameeyay 1976, waxaa uu sidoo kale ka qalinjabiyay 1982-dii  Jaamacadda umadda, Cilmiga Kimikada Warshadaha ayuu ka bartey Gaheyr, waxaa uu sii watey ilaa Master iyo PhD-da uu isla cilmiga Kiimikada ka diyaariyo Jaamacadda Padova.

(8): Sharif Sheekh Axmed Sheekh Sharif Sheekh Axmed waxaa uu ku dhashay Tuulo ku dhow degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe 1962-dii, Jaamacadda Open University ee Libya ayuu 1998 ka dhameeyay  Kuliyadda Shareecada, xilligaas ka hor waxaa uu labo sano dhigtey Jaamacadda Kordufaan ee dalka Suudaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE