Wasaaradda Haweenka K/Galbeed Oo Ku Howlan Sidii Gurmad Loo Gaarsiin Lahaa Shacabka Gobolka Sh/hoose Oo Abaaro Iyo Colaad Isugu Darsameen (Sawiro)

Wasiirada Haweenka maamulka Konfur Galbeed marwo Binti Ibraahim Cali oo ka mid ah Xubnaha Sare ee Gudiga Abaaraha ayaa juhdi iyo dadaal badan galisneeysa sidii gurmad dag dag ah loo gaarsiin lahaa shacabka gobolka shabeelaha hoose oo ay saameysay abaaraha xiligan ka jiro gobolada Soomaaliya.

Marwo Binti Ibraahim oo hindise ay u gudbisay Gudiga Abaaraha sabab u noqday in la qabto kulan u gaara ah xildhibaanada, Wasiirada, Siyaasiyiinta, Ururada Haweenka dhalinyarada heer gobol iyo dagmo iyo salaadiinta gobolka Shabeelaha Hoose.

Kulankan wadashi ee ku aadan Abaaraha ka jira Deeganada gobolka ayey marwo Binti qudbad dheer ka hor jeedisay gudiga Abaaraha taasoo kusaabsan sidii loogu adeegi lahaa Islamarkaana gacan wadajira loogu gurman lahaaa shacabka gobolka Shabeelaha Hoose.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE