Banaanbax Uu Soo Abaabulay Maamulka Gobolka Banaadir Oo Lagu Qabtay Magaalada Muqdisho (Sawiro)

Bannaanbax uu soo abaabulay Maamulka Gobolka Banaadir kaasoo lagu taageerayo go’aankii shalay kasoo baxay maxkamada ICJ ayaa Maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Dibadbaxa ayaa waxaa ka qaybgalay masuuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir iyo dadweynaha ku dhaqan Magaalada Muqdisho,Dibadbaxayaasha ayaa muujinayey sida ay ula dhacsan yihiin go’aanka Maxkamada oo ahaa iney qaadayso Dacadda Badda ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya.

Maxamed Axmed Diiriye Gudoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay iney meel wanaagsan wax marayaan wuxuuna xusay in qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed ay arintaasi si diiran usoo dhaweeyeen.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran