Dhageyso Halyey Sare Maxameed Deeq “Sheegashada Shabaab Waa Mala Awaal, Muuri Wey Ku Jabeen Anaa Hada Ku Sugan”

Afahayeenka Ciidamada deegaanka Col Maxamed Ciise (Deeq) oo wareysi siiyey warbaahinta gudaha ayaa faafaahin ka bixiyey weerar gaadma ahaa oo xalay deegaanka Muuri ay kusoo qaadeen Maleeshiyada kooxda Alshabaab.

Colneyl Maxamed Deeq ayaa ugu horeyn beeniyey in deegaanka Muuri lagala wareegay Ciidamada ku sugnaa, waxaana uu intaa raaciyey markii lasoo weeraray oo ay is difaaceen ka dib jihooyin kala duwan inay ku jabeen naf lacaariyaashii weerarka soo qaaday.

Waxa uu intaa raaicyey in awood ahaan Shabaab xilligan aanay u suur galeyn in ay qabsadaan dhul Shabeelada hoose ku yaalla, waxaana taasi uu ku micneeyey in %90 awood ay wiiqantay Shabaabka duur ku jirta.

Afahayeenka ayaa dhinaca kale hadal been abuur ah ku tilmaamay warbaahinta ku hadasha Afka Shabaab oo laga sheegay in Saldhigii Muuri lagala wareegay, isagoo Shabaab ku sifeeyey Munaafiqiin aan ka xishooneyn Beenta.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE