Dhageyso Xildhibaan Dalxa Shacabka Soomaaliyeed Muxuu Kaga Dhiganyahay Go’aankii Maxkamada ICJ Ee Muranka Badda

Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si diiran usoo dhaweeyey go’aankii Maxkamada ICJ ay ku shaacisay iney qaadayso Dacwadda Muranka Badda ee u dhexeeya Wadamada Soomaaliya iyo Kenya.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya isla markaane xubin ka ah Baarlamaanka Jaamacada Carabta ayaa sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya ay soo dhaweynayaan go’aanka Maxkamada.

Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in arintani ay ka dhigan tahay in Soomaaliya ay dabataagan tahay hantideeda isla mar ahaantaane la ogeysiiyo beesha Caalamka in Soomaalidu ay u taagan yihiin difaaca hantidooda,Dowladnimada Soomaaliya ayuu sheegay Xildhibaan Dalxa iney markale dib u  shaqaysay.

Dalxa ayaa nasiib darro ku tilmaamay damaca Kenya ee ah sheegashada Badda Soomaaliya,wuxuuna xusay in Kenya ay dooneyso iney gurato khayraadka umadda Soomaaliyeed sidoo kalane ay sheegato Badda Soomaaliya taasoo uu tilmaamay iney tahay mid aan la qaadan karin.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open