Mowjado Siyaasadeed Ee Ugu Adkaa Oo Ku Kacay Shariif Sakiin Iyo Xildhibaanadii Ugu Badnaa Oo Markan Shiray

Magaalada Muqdisho maanta waxa ka dhacay shir xasaasi ah oo ay wada yeesheen Xildhibaano,Wasiiro iyo siyaasiyiin kasoo jeeda Koonfur galbeed Soomaaliya, kuwaas oo dhiilay hogaamiye Shariif Sakiin.

Kulankan ayaa waxa looga dan lahaa sidii go’aan Mideysan looga qaadan lahaa hogaamiye Shariif Sakiin oo goob cidla ah soo dhigay shacabka Koonfur galbeed oo la dalaa dhacaya Abaaro iyo Colaado, iyadoo hogaamiyaha sidoo kale lagu eedeeyey in aanu ka war qabin dadka uu xilka u guntaday.

Shirkii maanta oo lagu qabtay Hotel SYL ayaa aad uga duwanaa shirarkii hore waxaana ka qeyb galay siyaasiyin miisaan culus ku leh K/galbeed oo ay ka mid yihiin Aden Saran soor, Dr Khalid Cumar , En Salah Seekh Cismaan Muuse , wasiir Beegoos, Abdirizaq sheikh, Ex. wasiir Amina Mursal , Ex. Xildhibaan  Samaan Maxamed Daahur, Wasiir Maclin Bare iyo Xildhibaano DFS ka tirsan, Odayaal dhaqmeedyo oo ay mid yihiin Maalaaq  Ibrahim Leysaamow, Malaaq Siidow Muuse Maadow iyo kuwo kale oo badan.

Dhamaan mas’uuliyiinta kulankaas ka hadashay ayaa isku raacay in dadka iyo deegaanada K/galbeed ay u dayacanyihiin Shariif Sakiin hase hataae aan laga aamusi karin sida ay wax ku socdaan, waxaana arintaasi sida muuqata ay ka qaateen go’aan ah in xilka laga tuuro Shariif ayna doortaan hogaamiye daacad ah oo tixgeliya danta deegaanka.

Wasiirada iyo siyaasiyiinta qaarkood ayaa soo jeediyey in marka hore dib loo furo kulamadii baarlamaanka islamarkaana Baarlamaanka uu guto waajibaadkiisa ku aadaan tallaabo ka qaadidda hogaamiye kooxeed Shariif Sakiin.

Xildhibaanada Maanta kulanka kasoo qeyb galay ayaa tiradooda waxa lagu sheegay in ay gaarayeen ilaa 130 mudane taas oo ka badan tiradii horey loo shaaciyey ee 80-tanka xilhdibaan oo mooshin xilka tuuris ka waday Shariifka.

Mowjadaha siyaasadeed ee ku kacsan Shariif Sakiin ayaa muujinaya Biseylka Shacabka iyo siyaasiyiinta K/galbeed oo sida muuqata ka haray asaagooda, waxaana xil u haaya Madaxweyne Shariif oo ay ku eedeeyeen safaro joogta ah, musuqmaasuq, cadaalad daro, xil gudasha la’aan iyo maamul xumo baahday.

Waxaan idin soo gudbin doonaan Muuqaalada iyo sawirada Shirkii maanta ka dhacay Hotel SYL ee magaalada Muqdisho.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran