Wararkii Ugu Dambeeyey Xaaladda Deegaanka Muuri Ee Gobolka Shabeelada Hoose

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaray deegaanka Muuti ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa sheegaya in xaaladda deegaanka ay saake degentahay ka dib markii xalay halkaas ay soo weerareen Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Alshabaab.

Weerarka oo ilaa iminka aan lasoo sheegin in uu geystay khasaare ayaa dhacay xalay 10:00 Pm ee habeennimo, iyadoo rasaas xoogan lagu furey xaafadah Shacabka, ka dibna ay gudaha usoo galeen deegaanka.

Saacad ka dib ayaa weerarka lagu soo qaaday Muuri waxa ku baxay oo ka jawaabay Ciidamada deegaanka oo fariisin Ciidan ku lahaa meel aan sidaa uga fogeyn Muuri, waxaana ay ka raac cadeeyeen Maleeshiyada sida dhuumaaleysiga ahaa weerarka usoo qaaday.

Warbaahinta ku hadasha Afka Maleeshiyada kooxda Shababaab ayaa waxa laga sii daayey hadalo qiyaalli ah oo ay ku sheeganayaan in ay soo qafaasheen Saraakiil Ciidan halka kuwo qaar ay soo dileen, iyadoo hadalkaas uu yahay hadal Been abuur oo aan waxba ka jirin.

Saraakiisha Ciidamada deegaanka ee halkaasi xalay gaaray ayaa Sheekooyinka Shabaab ee ay kasii daayeen warbaahintooda ku sheegay kuwo ay ugu niyad dhisyayan Maleeshiyaadkood duur ku jirta oo ilaa hadda aan guul la taaban karo ka gaarin dagaalada ay kula jiraan Ciidamada deegaanka.

Waxaan idin soo gudbin doonnaa Afahayeenka Ciidamada deegaanka Col Maxamed Ciise (Deeq) oo faafaahin ka bixinaya weerarkii gaadmada ahaa ee Shabaabku kusoo qaadeen Muuri iyo wararka qiyaalliga ah ee ay dadka ugu sheekeeyaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE