Xildhibaanada Isbadel Doonka Soomaaliya Oo Kulan Ku Yeeshay Muqdisho Ayaa Ku Goodiyey In La Dagaalamayaan.. (Video)

Waxaa magaalada Muqdisho kulan Balaadhan ku yeeshay Xildhibaanada Isbedel Doonka Soomaaliya, Qaarkood hadallo ay ka jeediyeen kulanka ka sheegay in ujeedkoodu yahay inay beeniyaan in dowlado shisheeye ay saameyn ku yeeshaan Doorashada.

Waxaa ka dhex muuqda xildhibaano ay ka mid yihiin C/risaaq Jurrille, Axmed Macalim Faqi, Xuseen Carab Ciise, Foosiya Yuusuf X, Aadam, Cabdilaahi Goodax Barre iyo xubno kale, Waxaana Tirada xildhibaanada goobta ku sugan lagu sheegay inay gaarayaan 170.

Xildhibaan Axmed Faqi ayaa sheegay in kacdoon cusub uu bilowday kaasoo looga hortegayo musuqmaasuqa iyo maamula xumida baahday, ayna maalinta doorashada la arki doono Awoodda xildhibaanada labada Aqal.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE