Dhageyso Xisbiyada Siyaasadda Kenya Oo Ku Baaqay In Ciidanka Kenya Laga Saaro Gudaha Soomaaliya

Xisbiyada Mucaaradka dalka Kenya ayaa ugu baaqay Madaxweyne Uhuru Kenyatta in Ciidanka Kenya E KDF  laga soo saaro Soomaaliya.

Xisbiga Dimuquraadiga dalka Kenya ayaa ka dalbaday Madaxweyne Kenyatta in si dhaqso ah looga saaro Soomaaliya Ciidamada dalka Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya,Masuuliyiinta Xisbiga ayaa ka dalbanaya in Ciidanka Kenya la geeyey goobo ay ka ilaalin karaan amniga Kenya.

Weerarkii ugu danbeeyey ee Al-shabaab ay ku qaadeen Fariisinka Ciidanka Kenya ee deegaanka Kulbiyow ayaa waxaa ka dhashay kacdoon ay samaynayaan Xisbiyada Mucaaradka Kenya kuwaasoo ku baaqaya in Ciidankooda laga soo saaro dalka Soomaaliya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open