Madaxweynaha Maamulka Puntland C.weli Gaas Oo Kusoo Wajahan Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Maamulka Goboleedka Puntland C.weli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu wadaa in maanta uu soo gaar magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Safarka Madaxweyne Gaas ayaa lagu waramayaa in uu ku qotomo ololaha Musharaxiinta doorashada ee u tartameysa xilka Madaxweynenimo ee Soomaaliya, iyadoo qaar ka mid ah musharaxiinta kasoo jeeda Puntland ay eedeeyeen safarka.

Dr Gaas ayaa la sheegayaa in uu taageersanyahay Musharaxnimada Cumar C.rashiid Cali Sharmaarke, iyadoo ay jiraan musharxiin badan oo Puntland kasoo jeeda oo loolan ugu jira sidii ay tartan ugu gali lahaayeen xilka ugu sareeya dalka.

Madaxda Maamulka Goboleedyada dalka ayaa galaagal xoog badan ku leh doorashada sanadkan ka dhici doonta magaalada Muqdisho, waxaana Madaxda ay wataan musharaxiin siyaasad ahaan ay ku taageersanyihiin iyo kuwo beel ahaan ay ku taageereen.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE