Mid Ka Mid Ah Musharxiinta Doorashada Oo Ku Dhawaaqay Inuu Tanaasulay

War qoraal ah oo Eng Cabdulaahi Cali Xasan uu ku faafiyey bartiisa Facebooka ayuu ku sheegay in guud ahaan uu isaga haray tartanka dooraashada Xilka ugu sareeya dalka, oo maalma ka hor uu isu diiwaan geliyey.

Mushraxan oo buuxiyey dhamaan shuruudihii Musharxiinta ayaa is casilaadiisa dhow arin ku sababeeyey, waxaana jira warar hoose oo isa soo taraya kuwaas oo ku aadan sababta Eng Cabdulaahi Xiris ku kaliftay in uu tanaasulo.

Wararka qaar ee la helaayo ayaa sheegaya in uu la kulmay cadaadis siyaasadeed iyo mid dibadeed, waxaana sidoo kale jira warar tilmaamaya in loo balan qaaday dhaqaalihii ugu baxay ololihii doorashada iyo balan qaad kale oo ah in la siin doono jagyin.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka Bartiisa uu ku faafiyey Eng Cabdulaahi Cali Xasan.

Anigaoo ah Eng. Cabdullaahi Cali Xasan waxaan Go’aan ku gaaray in aan ka tanaasulo u tartanka jagada Madaxweynimo ee Soomaaliya maanta oo taariikhdu tahay 04.02.2017, tanaaulkeyga musharaxnimada Madaxweynaha wiuxuu ku saleysanyahay sababaha hoos ku qoran:

Markii aan qiimeeyay xaalada qalafsan ee dalku ku suganyahay iyo baahida loo qabo in la helo hoggaan karti leh oo dalka u horseeda dowladwanaag, amni iyo kala dambeyn, cadaalad, iyo horumar bulsho iyo mid dhaqaale.

Markii aan arkay in musharixiin gaaraya 24 ay isku soo sharaxeen in ay u tartamaan xilka madaxweyne ee dalka taas oo markhaati u ah jahawareerka siyaasadeed ee dalkeena ka jira oo aysan ka tarjumayn baahida dalkeena iyo dadkeena oo ku jira xaalada qalafsan ee siyaasadeed, amni, dhaqaale iyo bulsho.

Anigoo garowsan in is sharaxaadaydu aysan ku qotomin mar uun madaxweyne ha lagu yiraahdo oo ay daacad iga tahay Ilaah hortiisa in aan dalkeyga iyo dadkeyga ugu adeego si daacadnimo ah xil ama jago walba oo aan qabto,diyaarna u ah in amaanada ay umadaydo ii dhiibato aan u guto si daacadnimo ah oo Alle kacabsi leh.

Anigaoo la tashaday waxgarad badan oo Soomaaliyeed oo ka kooban qaybaha bulshada sida siyaasiinta, aqoonyahanada, dhallinyarada, haweenka, duubabka , odayaasha dhaqanka, ganacsatada iyo qaybaha kale ee bulshada ayaa waxaan go’aansaday in aan tartanka madaxweynimo ka tanaasulo waqtigaan.

Waxaan mahad balaaran oo aan la soo koobi karin leh Ilaah subxaanuhu watacaalaa. Waxaan kale oo aan mahadcelin halkaan uga soo jeedinayaa taageerayaasheyda meel kasta oo ay joogaan dalka iyo dibada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed guud ahaan.

Sidoo kale musharixii ku guuleysta jagada madaxweynaha waxaan u soo jeedinaa in uu dalka daacad ugu shaqeeyo oo uu taarikhda baal dahab ah ka galo, jiilka soo socdana u reebo dhaxal wanaagsan.

WABILLAHI TOWFIIQ
Eng. Cabdullaahi Cali Xasan

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE