Musharax C.raxmaan Faroole Oo Noqday Musharxii Ugu Horeeyey Ee Ka Hadla Dhul Boobka Ka Jira Magaalada Marka

Mushrax Madaxweyne C.raxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo ka mid ahaa musharxiinta maanta waxqabadkooda ka hor jeedisey Baarlamaanka Fedaraalka ayaa soo hadal qaaday dhibaatada iyo dhul boobka lagu ka socda Magaalada Marka.

Dr C.raxmaan Faroole ayaa mar uu ka hadlaayey howlaha ay la imaan doonto xukuumadda uu soo dhisi doono ee dib u heshiista ayaa sheegay in meesha ugu horeysa ee wax laga qaban doono ay noqoto Magaalada Marka oo ayku duuleen kooxo kasoo hayaamay Gobolada dhexe.

Inkastoo degmooyin badan oo muran ka jiro uu soo sheeka qaaday hadana waxa la dhihi karaa siyaasigii ugu horeeyey ahna Musharax Madaxweyne oo garowsaday dayaca iyo dulmiga garabka og ee lagu haayo Shacabka Nabadda jecel ee Marka in uu wax ka qaban doono.

Madaxweynihii hore ee maamul Goboleedka Puntaland oo iminka u tagaan tartanka loogu jiro xilka ugu sareeya dalka ayaa waxa loogu bartay hadalada aan xaqiiqda ka weecan.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open