Raysalwasaaraha Itobiya Oo Waresi Siiyey C.salaan Hareeri Ayaa Ka Waramaya Arimo Ay Ku Jiraan Somaliland (Video)

Raysal wasaaraha Dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa Waraysigii ugu Horeeyay Wuxuu siiyey Tv-ga Universal, Wuxuuna Ugu Horayn siwayn uga hadlay xaalada Itoobiya, Maamulka Soomaalida Itoobiya, Kacdoonadii ka dhacay Itoobiya, Xiisadaha kala Dhexeeya Masara iyo Ereteriya, Xaalada Geeska Afrika iyo Doorashadii Maraykanka isagoo ugu baaqay inayna Faro-gelin Arimaha Dalalka kale.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay Xaalada Soomaaliya iyo Arimaha Doorashooyinka, Wuxuuna sheegay in Si cadaalad ah lagu doortay Baarlamaanka Soomaaliya, oo dooran doona Madaxwaynaha, Wuxuuna sheegay inay dhibaatooyinkii hore kasoo baxayso Soomaaliya, Isagoo si wayn u amaanay Dadka Soomaaliyeed, Wuxuuna ka hadlay Xiriirka ay la leeyihiin Musharixiinta u taagan madaxwaynaha Soomaaliya.

Waxaa wax laga waydiiyey Sida ay ula Macaamilaan Somaliland, Wuxuuna sheegay inay u arkaan Maamul ka tirsan Soomaaliya, “Somaliland as Administration and Somalia as a Nation” Sidoo kalana wuxuu sheegay inuu kala xiriiray dhinaca ganacsiga ah iyo Amniga, maal gelinta lagu samaynayo Dekedda Berbera ayuu ku sheegay inuu yahay Hanti Soomaaliya meel u taala ” Dekedda Berbera haddii la Ballaariyo xitaa waa hay’ad meel u taalla Somalia.” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sheegay inaysan wax Awood ah u lahayn inay ka hadlaan Kala Goynta Soomaaliya, oo Xataa Beesha Caalamku aysan ka hadli karin, Balse ay taasi u taalo Soomaalida, Isagoona ka hadlay Muhiimada Midnimadu ay leedahay ayaa wuxuu yiri ” Waxaan jeclaan lahaa in Ethiopia, Somalia iyo Suudaan aynu hal dal Noqono, iska daa in lasii Kala qeyb samee, Waxaan Rumays nahay Inaysan Somaliland dhinac uga Bixin  Soomaaliya”.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open