Ciidamo Gadoodsan Oo Is Hortaag Ku Sameeyey Safar Uu Maanta U Ambabaxi Lahaa Hogaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif

Siyaasiga Cali Khaliif Gallayr Madaxweynaha maamulka Khaatumo ayaa maanta Ciidamo gadoodsan xoog iskaga hortaageen inuu ka dhoofo Garoonka dayuuradaha ee magaaladda Buuhoodle isagoo diyaarad yar u raaci lahaa magaaladda Jabuuti.

Dadka deegaanka qaarkood oo BBC la hadlay ayaa waxay u sheegeen in dhawr saacadood xiisadi ka jirtay Garoonka diyaaradaha ee Buuhoodle ka dib markii ciidan uu hogaaminaayo Cabdifataax Baydan oo sheegtay taliyaha ciidanka difaaca Buuhoodle ay iska hortaageen Cali Khaliif inuu ka dhoofo garoonkaasi, ciidankaasi oo hub watay ayaa garoonka galay oo xannibay diyaaradii qaadi lahayd Cali Khaliif iyo wafdigiisa .

Taliyaha ciidankaas difaaca Buuhoodle Cabdifataax Baydan wuxuu BBC u sheegay galabta in diyaaraddii ay sii daayeen , Cali Khaliif-na ay ka reebeen inuu u raaco diyaaradda Jabuuti oo uu kaga qayb geli lahaa sida uu sheegay wadahadallo u socday Khaatumo iyo Somaliland ,wadahadalladaasi oo uu sheegay Taliye Baydan inaan Cali Khaliif ku metelin dadka deegaanka Buuhoodle.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE