Khudbadaha Ay Jeedinayaan Mushraxiinta Madaxweynaha Oo Maanta Lasoo Gabagabeenayo

Waxaa Maanta lasoo gabagabeynayaa Khudbadaha ay Musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ka hor jeedinayaan Mudanayaasha Baarlamaanka labada Aqal ee dalka si ay ugu sharaxaan Ajandahooda Siyaasadeed.

Maanta ayaa waxaa Mudanayaasha labada Aqal hortagi doona 8 Musharax oo soo jeedin doona qorshahooda Siyaasadeed ee ay doonayaan iney dalka ku hagaan hadii loo doorto Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Khudbad jeedinta Musharixiinta xilka Madaxweyne oo soo bilaabatay Maalintii Khamiistii lasoo dhaafay ayaa waxaa lasoo gabagabaynayaa Maanta,Waxaana la filayaa in Maalinta berri ah dood loo qabto Musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha,Doorashada Madaxweynaha ayaa dhici doonta Arbaca soo socota.

Musharaxiinta maanta khudbadaha jeedinaya ayaa waxay kala yihiin:-

1- Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke

2- Dr. Maxamuud Maxamed Culusow

3- Maxamed Axmed Jabarti

4- Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo)

5- Maxamed Cali Nuur (Ameeriko)

6- Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan)

7- Maxamed C/risaaq

8- Xaaji Maxamed yaasiin Ismaaciil

9- Axmed Maxamed Cabdi

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open