Laba Maalmood Oo Bandow Ah Ayaa Lagu Soo Rogey Muqdisho, Iyadoona Baaq Loo Direy Shacabka

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa war ay soo saareen ku sheegay in muddo laba maalin ah Bandow lagu soo rogi doono dhamaan wadooyinka magaalada Muqdisho.

Bandowgan oo lagu hakinaayo dhaq dhaqaaqa Gaadiidka iyo Shacabka ayaa Maamulka waxa uu sheegay in lagu doonayo sidii  loo sugi lahaa Amaanka magaalada oo maalinta Arbacada ah lagu qabanayo Doorashada Madaxweynaha.

Bandowgan labada maalin ah oo saameyn badan ku yeelan doona Shacbaka ayaa Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu ku taliyey in lala shaqeeyo Ciidamada Nabad gelyada u xil saaran, isagoo dhinaca kale tilmaamay in la doonayo in la xaqiijiyo amaanka Caasimada inta Doorashada ay socoto.

Maalmihii lasoo dhaafay qaar ka mid ah Wadooyinka Muqdisho ayaa waxa lagu daadiyey Dhagxaan iyo Ciidamo, kuwaas oo dadka Shacabka iyo Gaadiidka dadweynaha intaba u diidaayi inay wadooyinka isticmaalaan.

Maalinta Arbacada ee bisha ay ku beegantahay sideed ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu doorto Madaxweynaha dalka hogaamin doona afarta sano ee soo socota, waxaana Bandowga Wadooyinka la sheeciyey in uu bilaambi doono Beri 5-ta Galabnimo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE