Maleeshiyada Alshabaab Oo Deegaanka Dhanaane Ka Barakiciyey Shacabkii Ku Dhaqnaa

Maleeshiyada argagaxisada ah ee Alshabaab ayaa deegaanka Dhanaane Ee Gobolka Shabeelada hoose ka barakiciyey Shacabkii ku dhaqnaa ka dib markii ay amar ku siiyeen in ay deegaana baneeyo.

Deegaanka Dhanaan oo qiyaas ahaan labaatan (25) km dhinaca Bari kaga beegan magaalada Marka ayaa ku yaalla wadada xeebta ee isku xirta Banaadir iyo Shabeelada hoose (Marka iyo Muqdisho), waxaana ku dhaqnaa dad u badan Kalluumeysato iyo Xoola ley.

Amarkan lagu barakciyey Shacabka ayaa warar kala duwan ay kasoo baxayaan, waxaana jira warar sheegaya in Maleeshiyada Alshabaab ay fulineyso amar kasoo baxay mid ka mid ah Shirkadaha dhiig miiratada ee ka howlgala Soomaaliya.

Shacabka la barakiciyey ayaa sidoo kale loo diidey in ay tagaan deegaanada Koonfur ama Galbeed oo ku aadan Buushka, Nambar iyo kuwo kale, waxaana kaliya loo ogolaaday in ay u qaxaan Muqdisho ama Marka, taas oo siyaasada ahaan ka dhigan in Shacabka loo diiday in ay u Gurya doontaan Eheladooda oo qaar ku dhaqan deegaanada aan soo sheegnay.

Dadka laga barakaciyey Dhanaan ayaa intood badan waxay yihiin kuwo aan weligood deegaanka Meelna uga dhaqaaqin, kuwaas oo qaarkood ay weeyeello yihiin, waxaan dhici karta in ku noolaashaha deeganada kale ay kala kulmaan culeys xagga Nolosha ah.

Waxaan idin soo gudbin doonaa Xogta rasmiga ah ee la xiriirta Sababta ka dambeysa in deegaanka Dhanaane laga barakiciyo Shacabkii halkaas ku dhaqnaa oo wararka aan heleyno ay sheegayaan in ay ku lug leeyihiin Shirkado xiriir la leh kooxaha Argagaxisada oo deegaanka Danooyin gaar ah ka leh.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open