Toos U Daawo Khudbadaha Musharixiinta Madaxwaynaha Soomaaliya Ee Xarunta Golaha Shacabka

Waxaa hada Bilaabaatay  khudbadaha ay Baarlamaanka  ka horjeedinayaan 8 Musharax oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya, Musharax kasta oo khubadiisa jeedinaya ayaa waxa uu xaq u heli doonaa 30-daqiiqo.

Guddiga qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha ayaa waxa ay sheegeen maanta oo Axad ah in ay khudbado jeedin doonaan ilaa 8 Musharax, kuwaas oo kala ah:

1.Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, 2.Dr. Maxamuud Maxamed Culusow, 3.Maxamed Axmed Jabarti, 4.Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) , 5.Maxamed Cali Nuur (Ameeriko), 6.Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), 7.Maxamed C/risaaq, 8. Xaaji Maxamed yaasiin Ismaaciil.

Sidoo kale maanta waxaa laga yaabaa in khudbadjeedinta uu ku soo biiro Axmed Maxamed Cabdi oo qorshuhu uu ahaa in Khamiistii uu jeediyo khudbadiisa, balse cudur daar uu soo gudbiyay darteed dib loogu dhigay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open