Cali Khaliif Galleyr Oo Gaaray Hargeysa Ka Dib Is Hortaag Lagu Sameeyey Safarkiisii Shalay

Hogaamiyaha Maamulka Khaatumo DrCali Khaliif Galayr ayaa goor dhawayd saake ah gaaray magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, kadib markii uu ka soo kicitimay Burco oo uu xalay u hoyday.

Dr Cali Khaliif Galayr oo hadda ku sugan Hotel Ambassador ayaa la filayaa inuu u dhoofo xagaas iyo Jabuuti oo uu kaga qaybgalayo wadahadalka Somaliland iyo Khaatumo u dhexeeya.

Maleeshiyo beeleed ka soo jeeda deegaanka Buuhoodle iyo ciidamo laga soo abaabulay kooxo kale ayaa shalay is hor taag ku sameeyey inuu Cali Khaliif u dhoofo dalka Jabuuti.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran