Dagaal Culus Oo Caawa Ka Dhacay Degmada Qoryooley Ee Gobolka Shabeelada Hoose

Wararka naga soo gaaraya degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa ku waramaya in caawa dagaal culus halkaas ay kuso oqaadeen Maleeshiyada kooxda Alshabaab.

Dagaalka oo qaatay saacad iyo bar ayaa wararku waxay sheegayaan in lagu qaaday Xerada Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin dhinaca Bari ee degmada gaar ahaan Jiinka Wabiga oo xiga wadada ka timaada dhinaca deegaanka Buulasheekh.

Dadka ku dhaqan Qoryooley ayaa Markacadey.com u sheegay in xerada Caawa lagu weeraray hub culus kaas oo aan la ogaan karin khasaaraha uu dhaliyey, iyadoo dhinaca kale AMISOM ay ku jawaabtay hub ugu rakiban difaacyada.

Dadka la hadlay Markacadey.com ayaa sheegay in xilliga oo habeen ah darteed aan la ogaan karin xaaladda dhabta ah ee goobta lagu dagaalamay, waxaana ay sheegayaan in dagaalkii caawa uu aad cuslaa islamarakaana leysku adeegsdaay cub kala duwan.

Xaalada ayaa aad u kacsan, marka laga reebo in rasaatii cusleyd ay qabowdey, waxaana dhinaca kale aan la saadaalin karin Shabaabkii soo weeraray degmada inay weli joogaan goobihii ay soo weerareen iyo inay isaga abaxeen.

Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa ka mid ah degooyinka ugu badan ee ay ka dhacaan dagaalada ay soo qaadaan Maleeshiyada kooxda Shabaab, Ciidamada dowlada ee halkaasi ku sugan ayaa habeenkii ku xarooda Xerada AMISOM.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open