Dhageyso Alshabaab Oo Fagaare Ku Yaalla Degmada Jamaame Ku Toogatay Afar Qof

Al-shabaab ayaa shalay galinkii danbe  Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose ku dilay 4 nin oo ay sheegeen iney Jaajuus u ahaayeen Jubbaland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kooxda Al-shabaab ayaa raggan ku dishay Fagaare ku yaalla Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose,waxayna goobta dilku ka dhacayey soo dhoobeen dadweyne fara badan,ragga ay dileen ayaa waxa ay sheegeen iney la shaqaynayeen Ciidamada Jubbaland iyo dowladda Soomaaliya.7

Ragga Ay Al-shabaab dileen ayaa waxaa Magacyadooda la oran jiray Siyaad Cali Cabdi oo 26 sano jir ahaa,Axmed Ibraahim oo 28 jir ahaa,C/llaahi Cali Xasan oo 26 sano jir ahaa iyo Yuusuf Makaraan Maxamed oo 58 jir ahaa.

Al-shabaab ayaa caadeystay iney laayaan shacabka Soomaaliyeed iyaga oo ku eedeeyaan iney la shaqeeyaan Sirdoonka wadamada Shisheeye iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open