Doodda Musharaxiinta Madaxweynaha Oo Maanta Lagu Qabanayo Xarunta Golaha Shacabka

Waxaa Maanta Xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ka dhacaysa Dooda Musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dooda oo hore u baaqatay 31kii bishii January cillad ku timid Internetka awgeed ayaa waxaa ay Maanta markale ka dhacaysaa Xarunta Golaha Shacabka,Waxaana galinka hore dooda ka qaybgalaya 12 Musharax iyada oo galinka danbe ay sidoo kale ku qoranyihiin  11 Musharax sida ay xaqiijiyeen Gudiga Qaban-qaabada Doorashada Madaxweynaha.

Musharixiinta ayaa waxaa wax laga weydiin doonaa su’aalo la xiriira qorshahooda Siyaasadeed,khudbadii ay jeediyeen iyo waxyaabo kale,waxayna noqon doonta Doodu mid si toos ah uga baxda telefishinada ku hadla Afka Soomaalida.

Maalinta Arbacada ee Bisha Febraayo ay tahay Sideed ayaa magaalada Muqdisho waxay ka dhaceysa doorashada Madaxweynaha, waxaana xilkaas tartan adag uu ku dhex mari doonaan 23 musharax.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran