Gudiga Qaban qaabada Doorashada Oo Maanta Kormeer Ku Tagay Hoolka Lagu Qabanayo Doorahada Madaxweynaha (Sawiro)

Gudiga qaban qaabada Doorahada Madaxweyanaha ayaa maanta waxa uu kormeer ku tagay hoolka lagu qabanayo Doorashada Madaxweynaha oo ku taalla Saldhiggii hore ee Ciidamada Cirka Afasiyooni.

Hoolkan ayaa doorashada loo soo wareejiyey ka dib markii Gudiga doorahsda ay sheegeen in ay soo gaartay cabasha uga timid 18 musharax oo ka qeyb galaya tartanka Madaxtimada kuwaas oo ka digay in xerada Jenaraal Kaahiye (Iskuul Boliisiyo) uu ka dhaco musuq iyo shirqool doorasho.

Waxa aad loo adkeeyey Amaanka magaalada Muqdisho oo lagu wado in sideed Bishan oo ku beegan maalinta Arbacada ay ka dhacdo doorahada Madaxweynaha, waxaana doorashadan ay aad uga duwantahay doorashadii horey uga dhacday dalka.

Ilaa 23 musharax ayaa xiligan u tagan in ay u tartamaan kursigan kuwaa oo si gaar ah isha uga wada haya daah furaanta doorashada, Ugu danbeyntii, waxaa diyaargaroowgii ugu danbeeyay uu ku jiraa hoteelada Muqdisho.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE