Gudoomiye Ku Xigeenka Ee Baarlamaanka Galmudug Iyo Xildhibaano Loo Diidey Inay Ka Dhoofaan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xraeed iyo Xildhibaano ka tirsan Maamulkaasi ayaa loo diidey inay ka dhoofaan Garoonka Diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Amarkan ayaa waxa la sheegayaa in uu ka dambeeyo C.kariin Xuseen Guuleed oo xilka ay ka tuureen Baarlamaanka Maamulka Galmudug, waxaana Guuleed uu diidanyahay in Xildhibaanada iyo Gudoomiye ku xigeenka ay tagaan Cadaado si ay u wadaan shirarkooda ay uga soo horjeedaan siyaasaddiisa.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in amar la siiyey Saraakiisha Socdaalka ee ku shaqada leh Garoonka Aadan Cadde, kuwaas oo loo sheegay in Gudoomiye ku xigeenka Koowaad iyo xildhibaanada Mucaaradka ku ah C.kariin ay ka dhoofin Garoonka.

Dhinaca kale Gudoonka Baarlamaanka Galmudug ayaa ku kala jaban taageeridda Madaxweynaha xilka laga tuurey, waxaana Xildhibanaada ugu badan iyo Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ay waafaqsanyihiin shirciga ah in xilka Madaxwwynenimo ee Maamulkaas uu waayey C.kariin, halka Gudoomiyaha iyo ku xigeenka Labaad lagu iibsaday dhaqaale.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE