Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed Ayaa Bayaan Kasoo Saaray Fara Gelinta Arimaha Doorashooyinka (Sawiro)

Kulan magaalada Muqdisho ay ku yeesheen qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda Beelaha Soomaaliyeed ayaa waxay uga hadleen fara gelinta lagu haayo doorashada Madaxweynaha.

Odayaashan oo bayaan kasoo saaray  shirkooda ayaa cambaareeyey dowlada Itobiya oo lagu eedeeyey in ay fara gelin ku haayso doorashada Madaxtimo oo la filayo in ay dalka ka qabsoonto, waxaana sidoo kale ay cambaareeyeen fara gelinta shisheeyaha ee doorashada.

 Bayaankan oo ay ku saxiixnaayeen 26 Odey dhaqameed, ayaa waxa baaq loogu direy dowladaha saaxiibada ah Soomaaliya iyo Ururada Caalmiga ah sida Qaramada Midoobe iyo Wadamo kale.

Halkan hoose ka aqriso bayaanka

Ujeedo Baaqii 4aad oo ay soo saareen Odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed

Sida aad la wada socotaan dalka waxaa ka socda doorasho logu tar-tamayo hogaanka dalka waxaana inoo suurta gashay in aan dhisno laba aqal oo kala ah Golaha shacabka iyo aqalka sare, dhismaha labada golane waxay caddeynaysaa in ummadda Soomaaliyeed ay ku guuleysatay inay dhistaan Hogaan ay raali ka yihiin ,kuna yimaada hab-raaca doorashada dalka u yaalla, kuna dhisan cadaalad ,sinaan iyo xilkasnimo.

Walaalayaal, mudanayaal, waxaan maqlay ama na soo gaartay in labada gole dhaxdooda ay ka socoto loobin ay ka shaqeynayaan gacmo shisheeye oo ay hormuud u tahay dowlada Ethiopia oo ay leeyihiin, waxaa la dooranayaa hebel waxaana la diidayaa hebel, waxaana la dooranayaa reer hebel, waxaana la diidayaa reer hebel.

Haddaba haddii aan nahay ummadda soomaaliyeed, waxaan kalsooni buuxda ku qabnaa golaha shacabka iyo aqalka sare, waxaana ka rejeynayenaa inay badbaadiyaan madax banaanida sharafta iyo qaranimadda ummdda soomaaliyeed anagoo og inaad karti u leedihiin inaad ummadda Soomaaliyeed ka badbaadisaan damaca shisheeye oo ah kuwa aan kor ku soo sheegnay.
Talo soo jeedin beesha caalmka

Qodobka 1aad : dowladaha deriska ah waxaan abaal uga heynaa cid kasta oo bur-burka ka dib gacan siisay ummadda Soomaaliyeed haddii ay ahaan laheyd dhinaca qaxootiga iyo dhinaca amniga IWM .waxaase rabnaa inaan xusuusino inaysan ummadda Soomaaliyeed marnaba gorgortan ka galeynin madaxbanaanidooda iyo qaranimadooda.

Talo soo jeedin ku socoto dowladaha daneeya arimaha soomaaliya .

1. Midowga Africa
2. Jaamacadda carabta
3. Qaramada midoobay
4. Midowga yurub
5. Dowlada maraykanka
6. Boqortooyada ingiriiska
7. Dowlada turkiga
8. Ururka dowladaha islaamka.

Dhamaantood waxaan ka codsaneynaa haddii aan nahay ummadda Soomaaliyeed inay ka hortagaan damaca siyaasadeed ee dowladaha deriska ah Qaarkood ku hayaan ummadda soomaaliyeed, damacaas oo ah mid aan wax dhisaynin ee wax burburinaya

Baaq ujeedin ummadda Soomaaliyeed

Ummadda soomaaliyeed waxaan ugu baaqeynaa inay iska hilmaamaan khilaafaadka dhaxdooda yaalla, una midoobaan difaaca qaranimada madaxbanaanida ummadda Soomaliyeed.

F.G Qof kasta oo soomaali ah rag iyo dumar gudaha iyo dibada ha joogeene waxaa xil ka saran yahay difaaca qaranimada madax-banaanida ummadda Soomaaliyeed.

Wabilaahi towfiiq

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran