Qaar Ka Mid Ah Musharxiinta Madaxweynaha Oo Caawa Kulan Xasaasi Ah Ku Leh Magaalada Muqdisho (Sawiro)

Kulan deg deg ah ayaa lasoo sheegayaa in haatan magaalada Muqdisho uu uga soconaayo laba ka mid ah Musharxiinta ugu miisaanka culus tartanka loogu jiro ku guuleysiga xilka Madaxweynaha.

Shirkan oo ka socda hoyga Magaalada Muqdisho uu ku leeyahay Raysalwasaare Cumar C.rashiid ayaa waxa kala qeyb qaadanaya Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland C.weli Maxamed Gaas.

Sidoo kale kulankan waxa goob joog ka ah Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya Dr Cabdi Faarx Shirdoon Saacid oo isagana dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana kulankan deg deg ah looga hadlayaa sidii loo mideyn lahaa cududda musharaxiinta.

Waxa jirey shir saacadihii lasoo dhaafay hotel Jasiir ee magaalada Muqdisho ku dhex maray Musharxiin kale, kuwaas oo isla meel dhigay in laga shaqeeyo sidii dalka uu isbedel uga dhici, lagana dagaalamo in mar kale doorashada uu kusoo  baxo madaxweyanaha talada haaya Xasan Sheekh Maxamuud.

Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa wada dadaalkoodii ugu dambeeyey ee ay ku doonayaan in ay ugu soo gudbaan wareegyada doorashada oo tartan adag loo geli doono, ilaa hadda lama oga waxa kasoo baxay shirka oo weli ka socda magaalada Muqdisho.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE