Wadooyinka Muqdisho Oo Lagu Daadiyey Kaarikooyin Caro Ah Iyo Dhagxaan Shub Ka Sameysan (Sawiro)

Qaar ka mid ah wadooyinka ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa caawa waxa lagu daadiyey Ciidamo, iyadoo dhinaca kale lasoo kordhiyey tab cusub oo lagu sugayo amaanka magaalada.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay in Wadooyinka Muqdisho gabi ahaanba la xirayo labada maalin ee loo diyaar garoobayo doorashada Madaxweynaha, waxaana uu sheegay in Bandow lagu soo rogey Caasimadda dalka.

Wadooyinka jid cadayaasha ee Caasimada ku yaalla ayaa waxa lagu daadiyey Kaarikooyin cara ah iyo dhagxaan shub ka sameysan, iyadoo isgoysyada lasoo dhigay Ciidamo isugu jira Boliis, Nabadsugid iyo kuwa Amisom.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open