Deg Deg Dagaal Culus Oo Caawa Lagu Qaaday Saldhig Ciidamasa AMISOM Ay Ku Leeyihiin Duleedka Muqdisho

Warar ka imaanaya duleedka magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in caawa halkaas lagu soo qaaday weerara culus oo loo adeegsaday hubka garbaha laga tuuro iyo Madaafiic.

Dagaalka oo la sheegay in lagu qaaday Xerada Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin duleedka Muqdisho gaar ahaan Ceelasha Biyaha ayaa waxa aad loo maqlayaa hubka Culus oo lagu ridayo Cerada.

Maleeshiyada kooxda Alshabaab ayaa weerarkan kasoo qaaday dhinaca Aboocow, dadka halkaasi ku dhaqan ayaa warbaahinta u sheegay in ay maqlayaan Madaafiic, iyagoo sidoo kale arkaaya hilaaca Xabadda Tareesada ah.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka oo si aad ah looga dareemay deegaanka Ceelasha Biyaha ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalkan ayaa imaanaya, iyadoo si aad ah loo adkeeyay ammaanka magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku dhow dhow, waxaana ciidamo fara badan la dhigay waddooyinka soo gala Muqdisho.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE