Deg Deg Jug Culus Oo Caawa Laga Maqlayo Inta Badan Xaafadaha Magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa caawa waxa laga maqlayaa jug Culus, iyadoo aan la qiyaasi karin halka jugtaas ay ka dhaceyso iyo Goobta laga soo tuurayo.

Jugta oo u Eg Hoobiyeyaal ayaa laga maqlayaa xaadado dhowr ah oo ku yaalla Caasimadda, waxaana jawiga uu yahay mid ka duwan kii lagu jirey habeenadii lasoo dhaafay.

Iyadoo aad loo adkeeyey amaanka magaalada Muqdisho ayaa dhinaca kale waxa jirta cabsi la xiriirta inay dhacaan weeraro ay soo qaadaan dagaalamayaal ka tirsan kooxda Alshabaab oo ku hanjabtay inay fulin doonaan qaraxyo iyo weeraro ay kaga soo horjeedaan doorashada Beri ka dhici doonta magaalada Muqdisho.

Ciidamada dowlada fedaraalka gaar ahaan kuwa amaanka ayaa aad loo soo dhoobay wadooyinka muhiimka ah ee ku yaalla caasimadda Muqdisho, Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay bandow lagu soo rogey Magaalada inta lagu guda jiro doorashada.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE