Deg Deg Musharax Caan Ah Oo Iska Casilay Tartanka Xilka Madaxweynaha

War goor dhow soo baxay ayaa ku waramaya in Mid ka mid ah Musharaxiinta xilka Madaxweynaha uu ku dhawaaqay in uu iska casilay Musharaxnimadiisa.

Musharax Madaxweyne C.raxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo ka mid ahaa musharaxiinta loo saadaalinayey inay kaalmaha hore ka galaan Codeynta doorashada ayaa isaga haray guud ahaan tartanka.

Shir jaraa’id oo uu magaalada Muqdisho ku qabtay Musharax C.raxmaan Faroole ayuu ku sheegay in uu ka haray tartanka, waxaana  arintani ay soo if bixineysaa xulufeysiga xoogga badan ee musharxiinta qaar ay wadaan.

Ma jirto ilaa hadda sabab uu sheegay in uu kaga haray doorashada Dr C.raxmaan Faroole, hase haatee waxa jira tuhun la xiriira in is xulufeysi uu ka dhaxeeyo Siyaasiyiinta Beesha Mjaeerteen/Daarood.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE