Dhageyso Bandowgii Uu Soo Rogay Maamulka Gobolka Banaadir Oo Ka Dhaqan Galay Magaalada Muqdisho

Waxaa saaka xiran gabi ahaanba wadooyinka Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya,Waxaana Wadooyinka taagan ciidamo ka tirsan kuw a dowladda Federaalka Soomaaliya oo aad u qalabaysan kuwaasoo xaqiijinaya Amniga Magaalada Muqdisho.

Qaar kamid ah Wadooyinka Magaalada muqdisho ayaa waxaa lagu gooyey dhagxaan iyo Carro,Ciidamada ayaa dadweynaha iyo Gaadiidka intaba u diidaya iney adeegsadaan Wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Dadweynaha Muqdisho ayaa saaka dhammaan ku wada sugan guryahooda,Waxaana sidoo kale haawanaya Wadooyinka Caasimadda,Maamulka Gobolka Banaadir ayaa hore u shaaciyey in Magaalada Bandow ay tahay Maanta oo Talaado ah iyo Berri oo Arbaco ah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE