Dhageyso Warbixin Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Muqdisho Iyo Ololaha Doorashada Oo gaarey Meel Xasaasi Ah

Wadooyinka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa xiran waxaana aad loo adkeeyey amniga magaalada iyadoo saacado keliya ay ka harsan yihiin doorashada madaxweynenaha Soomaaliya.

Dhinbaca kale waxaa magaalada ka socda shirar u dhexeeya qaar ka mid ah musharrixiinta iyadoo qaar kalena ay ka hareen tartanka, oo ay tanaasuleen.

Xildhibaanada baarlamanka ayaa iyaguna aad u mashquulsan oo marba musharax la kulmaya, ayada oo la isku dayayo in la kasbado codadkooda ka hor doorashada maalinta berri ah.

Musharaxiinta ayaa Wada kulamo iyo dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed, inta badan Hotelada magaalada ayaa ah mid aad u mashquul ah oo kulamada ay yihiin kuwo joogta ah, Sidoo kale  madaxwayne Xasan sheekh  Ayaa cududiisa taageero ee Xildhibaanada uu heysto kusoo Bandhigay Hotelka SYL.

Musharax Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka mid ah Musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay taageerada ay u muujiyeen Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open