Dhageyso Xilliga Ay Dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Galmudug Oo Lagu Dhawaaqay

Guddiga Qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegeen in 19 Bishaan ay dhici doonto doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug.

Gudoomiyaha Guddiga Qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha Galmudug Maxamed Saciid Xasan ayaa sheegay in Galmudug 19 bishaan ay yeelan doonto madaxweyne cusub ka dib markii ay sheegeen xildhibaanada Galmudug in ay Xilkii ka qaadeen madaxweyne C.kariin Guuleed.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay jiraan Musharaxiin isasoo diiwaan geliyay ,kuwaas oo doonaya in ay noqdaan Madadaxweynaha Galmudug.

Doorashadaan ay ku dhawaaqeen Xildhibaanada Galmudug ayaa kusoo aadaysa xilli Madaxweynaha Galmudug uu sheegayo in aan xilka laga qaadin uuna yahay Madaxweynaha Sharciga ah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE